Maxkamadda Ciidamada qalabka sidda oo xukuntay Askar ka tirsan Ciidanka daraawiishta Puntland.

Garowe(puntlandi.com):- Maxkamadda Ciidamada qalabka sidda ee gobolka Nugaal ayaa xukuntay Askar ka tirsan Ciidanka daraawiishta Puntland.

Maxkamadda Ciidamada qalabka sidda ayaa xukunno kala duwan ku riday 3 askari oo ka tirsan Ciidanka daraawiishta Puntland kadib markii lagu qaaday dacwado kala duwan oo maxkamada loo soo hortaagay.

C/kariin Xasan Firdhiye oo ah Xeer ilaaliyaha maxkamadda Ciidamada qalabka sida ee gobolka Nugaal ayaa ku dhawaaqay xukunta askartan wuxuuna cadeeyay in Askartani lagu qaaday dambiyo la xiriira falal isugu jira gudasho la’aan shaqo iyo hub lunsasho wuxuuna xukunada maxkamada u kala sharaxay sidan:-

1. Maxamuud C/raxmaan Cismaan oo ay maxkamaddu u cuskatay qodobka 398 ee xeerka Ciidanka Qalabka sida waxaa lagu xukumay 7 sano oo xarig ah.

2. Axmed Daahir Buraale ayaa iyadoo maxkamadu u kuskatay qodobka 101 ee xeerka Ciidanka Qalabka sida waxay ku xukuntay 1 sano oo xarig ah.

3. Aadan C/laahi Guuleed oo lagu soo eedeeyay Lunsasho Hub ayaa maxkamadu ku xukuntay 2 sano oo xariga ah.

Askartan ayaa xirnaa mudo bil ah ka hor xukunkooda wuxuuna Xeer Ilaaliyuhu sheegay mudadaasi in lagu jiray diyaarinta dacwadahooda, wuxuuse carabaabay in mudo 30 cisho ah gudaheed ay racfaan ka qaadan karaan xukunadan ay maxkamadu ku ridday.

 

Puntland Office – Garowe
puntlandi.garowe@gmail.com
www.puntlandi.com

You can leave a response, or trackback from your own site.
Qoraalkaan/Warkaan ka dhiibo fikikaaga :- Fadlan markaad fikradaada(Comments) qorayso xasuuso inaad dhowrto anshaxa iyo wanaaga, Qoraalkaagu ha ahaado mid u faa'iidaynaya akhristayaasha fikradooda isdhaafsanaya, Qabiilka iyo erayada anshax xumada ah way ka reeban yihiin in lagu qoro halkaan, Fikradaha(Comments) akhristayaashu halkaan isku dhaafsadaan waxay u gaar yihiin akhristashaasha iyagaa masuuliyadeeda leh. Ogsoonow Qoraalkii ku xadgudba anshaxa iyo masuulnimada masoo dabacayno

Leave a Reply