Warbaahinta Puntlandi.com waxay akhritayaasheeda sharafta mudan u soo gudbinaysaa Muuqaalada qurxoon ee wadanka iyo dhacdooyinka ay xiisaynayaan.
Maantana waxaan idiin soo gudbinaynaa qaar ka mid ah muuqaaladii aad nooga barateen ee aadka u xiisaha badnaa kuwaas oo aanu idinkaga soo xulnay Sawirro aad u farabadan oo aanu ku hayno Kaydka Muuqaalada dalka ee warbaahinta puntlandi oo ay ku jiraan kuwo cusub oo xiiso badan leh.
Akhritaasha sharafta mudan ee warbaahinta Puntlandi waxaanu ku wargalinaynaa in uu jiro qorshe aanu ku doonayno maalin ka mid ah todobada bari ee Isbuuca in aanu todobaad walba u astayno Barnaamijka Muuqaalada Todobaadka oo ah Barnaamij aanu isbuucii mar akhristayaashayada ugu soo gudbinayno sawirada ugu xiisaha badan,
Hadaba waxaanu aad u tixgalinaynaa Fikirkaaga saliimka ah ee muhiimada barnaamijkaasi ku aadan oo aad noogu soo gudbin karto cinwaankan : puntlandi.garowe@gmail.com .
Akhritayaasha Warbaahinta puntlandi.com waxaanu u suuragalinaynaa in aan barnaamijkan ku soo darno(daabacno) sawirada xiisaha badan ee ay cinwaankan noogu soo diraan si ayay bulshada soomaaliyeed ula qaybsadaan ulana daawadan
Daawo sawirada Todobaadkan:-
Sawirkani wuxuu muujinayaa Fardo aad u farabadan oo dhinac ordaya, galbinayana dhawr garaari oo ay saaran yihiin Madex farabadan, qaabkanna wuxuu ka mid yahay qaababka deegaanada Puntland iyo guud ahaan Soomaaliyaba madexda iyo martida looga soo dhaweeyo.
Wuxuu kaloo qayb ka yahay hababka dalxiiska ee deegaanada Puntland oo fardaha lagu soconayo masaabo gaaban iyo mid dheer intaba iyadoo goobo aad u kala duwan oo qurux badan aad ku aadi karto, uguna dalxiis tagi karto.
Muuqaalkanina waa Magaalada Boosaaso ee xarunta u ah gobolka Bari, wuxuuna muuqaalkani muujinayaa sida ay magaaladu u fidayso iyo bilicda muuqata ee uu eebe siiyay.
Dhinaca waxay magaaladu ku haysaa Bada Cas oo ay isaga kala gooshaan Maraakiib iyo Doonyo ganacsi, Kaluumaysi iyo Dalxiis oo aad u farabadan oo ka kala imaanaya gudaha dalka iyo daafadaha Caalamka.
Sawirkani wuxuu muujinayaa muuqaalka guud ee degmada Jariiban oo xilliba xilliga uu ka dambeeyo aad u sii kobcaysa, Degmadan Jariiban waxay ka mid tahay degmooyinka ugu faca weyn degmooyin Puntland, waxayna degmadu horumar balaaran ka samaynaysaa dhinacyada ganacsiga, waxbarashada, Caafimaadka, Isgaarsiinta iyo dhismaha guud ee magaalada.
Taaladanina waxay ku taalaa fagaaraha degmada Jariiban oo ah goob ay bulshadu iugu soo baxdo xilliyada Ciyaaraha kubada cagta, Ciidaha sidoo kalana ay masuuliyiintu ugu khudbayso shacabka qaybihiisa kala duwan.
Taaladani waxay ka mid tahay kuwa tirada yar ee ka haray Taalooyinkii qadiimiga ahaa ee ay ka tagtay dawladii dhexe ee dalka Soomaaliya.
Sawirkani wuxuu muujinayaa muuqaalka guud ee magaalada Gaalkacyo, Sawirkani warbaahinta puntlandi waxay qaaday xilli ay sii dhacayso qoroxdu islamarkaana muuqaalka falaaraha midabada kala duwan ee qoraxdu ay dul yaalaan magaalada.
Indhahaagu waxay qabanayaan marka aad sawirkan eegto, muuqaalka mid ka mid ah Masaajida ugu waaweyn ee magaalada Gaalkacyo kuwaas oo inta badan ka dhex muuqada muuqalada guud ee magaalada soona saara bilicda deegaanka.
Sawirkani wuxuu qeexayaa qayb ka mid ah hidaha iyo dhaqanka Soomaaliyeed ee ku salaysan dhaqashada xoolaha gaar ahaan lo’da, waxaana sawirkani ka soo qaadnay inta u dhaxaysa magaalooyinka Bacaadweyn iyo Xarfo ee gobolka Mudug.
Sawirkanina wuxuu qayb ka yahay isbadelka deegaanka Puntland roobabkii da’ay kadib, geelani wuxuu durbadiiba si niyad wanaagsan u daaqaa Dooga Caleenta dhirtu ay durbadiiba soo saarta roobabkii da’ay kadib.
Sawirkanina wuxuu ka hadlayaa mid ka mid ah qolfoofta Gaadiidkii hore ee Soomaalidu ay isticmaali jirtay, gaarigani wuxuu hada dhex yaalaa degmada Jariiban ee gobolka Mudug, waxaanuna sawirkan soo qaadnay xilli aanu kormeer ku tagnay degmnadaasi.
RSS Feed

Posted in 











ASC.Walaal aad baad ugu mahadsan tihiin masawirradaas indhaha u raaxeynaya,iyagaana ka wanaagsan bogag badan oo hadl ka buuxo.sii wada oo joogto nooga dhiga masawirradaas dalka na tusaya hadday idiin fududaato.
asc dhaman shaqaalaha iyo wariyaasha web-ka puntlandi waa mahadasanti dhamantin sida hagarli idaah ee nuugu soo godbisaan waxa yaabaha ka jira wadanka iyo waliba hormarka wadan keena waxan jacelan lahaa in puntland sameysato tv ugaar ah markan ka soo dayaan waraka ku saabasan wadanka iyo hormakis taas oo aad muhii noogu ah dadkayaga qurba joota ah thanks alot once again.
hambalyo hambalyo waxaan leenahay puntlandi garabkiina allah galo waxaad tihiin madaalayaal daacad uah ciidooda hooyo inta kale ee reer puntland waxaan leenahay ku dayoo allpuntlandi mar kale HAYBAD WAXAAD KU LEEDAHAY DALKAAGA HOOYO WAANA LAMA HURAANEE HAGARLI WAX UGU QABO KUDAYOO PUNTLANDI OO XAMAARSAN XOG HUFAN HA KA DAALIN EE EEG INTAADAN CABIN KAFEEGA MAA SHAA ALLAAH MAHADSANID
gaarigaas waa eljigii poliska,horta ma mercedes ayaa sameyn jirtey.
waa farxad aan lasoo koobi karin waxaanse filayaa haduu jirilahaa tv ugaar ah puntland waxaan heli lahayn maqal & muuqal waana rajaynayaa in taas xooga la saaro waayo runtii hadan nahay dadka ku nool qurbaha waxa ka dhacayo puntland ee hor marka ah website yada un baan kala soconaa mana ka dharagno tv yada kale wakhti dheeri ah kuma bixiyaan hormarka puntland in ay soo gudbiyaan bal eeg universal tv sida ay dagmada hargaysa isugu mushquuliso ilaa ay gadhay in wararka ay ka soo diran bal eeg barnaamijka hargaysa & hareeri garan maayo soomali wayn waxay puntland u dhintay ee wakhti waliba cadow loogu Yahay sxb hadad tihiin bahda puntlandi dadka rer puntlad waxaan filayaa in ay jiraan dad badan oo qurbaha ku nool oo ila fikir ah dowlada waxad naga gaarsiisaan in aan u oomanahay tv ay leedahay dowlada oo mar waliba noo soo gudbiya hormarka ka jira puntlad ha ahaato dhinaca dhismaha sida aad hadaba noogu soo gudbisiin dhinaca wax barashada dhina caafimaadka iyadoo waliba bil kaste oo la soo fadhiisinayo tvga wasiir si uu dadka ugu sharxo wuxuu qabtay dadkuna ay su aalo u way diiyaan waataa dimoqradiyada dhabta ah dadkana ha loo soo bandhigo wixii loo qabtay oo hor mar ah runtii xili aan haysanay tv la oran jiray ETN & maanta farqi baa noo dhaxeeyo waan dhaga xiran nahay waana filayaa in ay socoto qorshe ku saabsan in dowlada puntlad ay yeelato tv u gaar ah sidaan ka dhan dhan saday mar uu madaxwaynaha ka jawaabayay su aalo lagu way diinayay jamabaca P S U waad mahadsantihiin
Dadka punt land ka soo jeedah waxaay u bahan yihiin in wadanka loo sheego hormarka jirah oo dhabta ah masawir lagu tuso dadkaan mar hore ayaa ugu danbaysay wax fiican oo dhagtooda maqasho
asc bahda puntlandi waad kumahadsanatihiin wanaaga guud oo puntland aad mar walba usoo gudbisaan khaasatan aniga waxaa sigaara ii xusuus galiyey sawirda jariiban oo ah halkaan kudhashay kuna soo barbaaray dugsi hoose dhexana uga soo baxay ayna iigu denbaysay tagideeda 1997 maansha alaahu ilaahay puntland hurumar iyo himilo wanaagsan hagaarsiiyo iyo guud ahaan jamhuuriyada soomaaliyoo dhan mar labaad waad kumahadsantihiin hadaad sawiro intaas kabadnoo jariibana haysaan soo galiya iyo guud ahaan puntland
Ilma adeerayaaloow barnaamijkaan waan ubogay sawiradana xataa gaarsiiya tuulooyinka forfog iyo magaalooyinka fogfog waana kumahadsantihiin bahda puntlandi.com
Maasha alah wa sawiro xasuus iyo taariikh na galiyey howl wadeenada webkaan caalamiga ahna waan salamayaa sii wada ayaan idin leeyhy wararkiina xaqiiqada ah iyo sawirada soomaaliyeed ee xusida mudan
Waxaa ah wax lagu farxo horuumarka iyo ilbaxnimada taal Puntland oo aan runtii oran kare waa hibo ilaahay siiyey oo ay dheer yihiin kuna dhaafeen dadka kale ee magaca soomaaliga lawadaaga balse nasiib darro loo quudhi waayey, tusaale ahaan waxaad arkaysaa dhammaan soomaalida oo dhan mid u dhow iyo mid ka dheerba waxa ay afka ku hayaan Puntland iyo dadka dega ama ku abtirsada, dadka qaar baa waxay ku doodaan iyagaa wax walba cunaya ama qaadanaya oo cid kale waxba uma oggola waxna lalama qaybsan karo waxaanse taas kaleeyahay waa been aan raad iyo sal toonna lahayn balse waxaan taas ka leeyahay oo ay jawaabta saxda ahi tahay nolosha, aqoonta,kartida, khibradda, ilbaxnimada, waayo aragnimo iyo maamul aqoonta iyo weliba soomaalinimada iyo waddaniyadda ay cid walba kaga horreeyaan. ilaahay ha’usiyaadiyo cadawga iyo inta necebna haka qabto ee aan horuumarka iyo nafrta u oggolayn, belaayana ma arkayaan ilaahay idankiis waayo waa dad daacad ah oo aan cidkale dhib ladoonayn. Aamin.
thank you so much waa sawiro aad uqurux badan oo xasuus badan aniga igu abuuraya
hada bal sifiican ufiiri gobanimada iyo in umada somalidu anay isku mid ahay waxa jariban kamuuqata taalo xili hore ladhisay oo wali qurxoon muqdisho taalooyinkii laga dhisay sida dhagaxtuu sayidka xaawa taako all waa lafuqsaday qaarkood waxaa laga iibiyey carabta waxana saas yelay dad caamo ah shacabka puntland umada lamid maha ilahy sharaftoda ha ilaaliyo shaqalaha puntlandi.com halkaas kawada ilama aderayaal waad mahadsantihin
Maashaa Allah, waa muuqaalo aad u qurux badan, runtii waan ku farxay, gaar ahaan sawirka Fardaha iyo Gawaaridu ay wada socdaan oo ah mid aad aan ula yaabay sida ay wadanka horumarkan uga suurtagalay. walaahi waxan aad ugu hamiyay in aan halkaasi mar dalxiis u imaado si aan u soo daawado uguna soo dalxiiso deegaankan qurxoon ee Puntland oo runtii aad moodo in uusan ka maqnayn horumarka caalamka intiisa kale ka jira.
websiteka puntlandi waxaan kula talin lahaa in aad barnaamjkan aad ka dhawaajiseen noo bilawdaan runtii anigu aad ayaan ugu xirnay websitekanwaxaana aad u daneyaa in aan mar walba ka daawado barnaamijyo muuqaalka dalka iyo dadkaba ka hadalayao o aad u qurux badan. runtiina waad ku dadaashaan waa websiteka kaliya ee aan u arko in uu runta ka sheego Puntland iyo wararkeeda iyo guud ahaan Soomaaliya.
Fadlan noo builaaba barnaamijkaasi sida ugu dhaqsiyaha badan noona so sheega maalinta aad isbuuca u dooranaysaan in aad si joogta ah u soo galisaan.
Xaqiiqdii waa arrin aad no farax galinaya maadaama aan helayno malin gaar ah oo aad sawirada ugu quruxda badan noogu soo xulaysaan anagoo markii hore idinkaga baranay in aad wararka iyo sawiradooda oo aad u farabadan aad noo soo gudbinsaan.
Mahadsanidiin walaalayaan.