Dhuusamareeb(puntlandi.com):- Culimaa’udiinka Ahlu-sunna ayaa ka horyimid qorshe cusub oo siyaasiyiin, qurbajoog iyo xildhibaano ka tirsan Dawlada Faderaalkka Soomaaliya ay ku damacsanaayeen in ay gobollada dhex ee dalka soomaaliya ugu hirgaliyaan maamul gobolleed cusub oo ka mid noqda maamulada ka jira wadanka Soomaaliya.
Inkastoo oo qurshani uu yahay mid xubnahani ay ku doonayaan hirgalinta hindisaha ay ku maaganaayeen dhismaha maamul gobolleed cusub oo ka hirgala gobollada dhexe ee dalka Soomaaliya oo badankiisa ay gacanta ku hayso Culima’udiinka Ahlu-sunna ayaa Masuuliyiintiin u hadashay Culima’udiinkan waxay ku sheegeen qorshani in uu yahay mid lagu damacsan yahay in lagu dhabar jabiyo dadaaladii mudada dheer ay culimadu ku hawlanayd.
Afhayeen Culima’udiinka Ahlu-sunna C/laahi C/raxmaan Abuu Yuusuf Al-qaadi ayaa si weyn uga soo horjeedsay qorshan oo uu ku tilmaamay mid dib deegaanadan loogu soo celinayo Qabyaaladii iyo kala qoqobnaantii ay deegaankan ka suuliyiin.
“Hirarka buuqa iyo sawaxanka xambaarsanoo lagu soo wajahay halgalkii ka socday gobollada dhexe ee dalka Soomaaliya ee Ahlusuna wal-Jamaaca kula dagaalamaysay Cadawga Umada Soomaaliyeed iyo halgankii ay kula jirtay qabyaalada, kala qoqobnaanta, Jahliga iyo dib u dhaca mudo afarsana ah gudahood looga guulaystay iyo mashaariic Faashil ah oo lagu doonayo in dhamaan guulahan lagu dhabar jabiyo ayaan u aragnaa mana aqbalayno waa mid midnimadii umada deegaankan lagu doonayo in lagu kala qaybiyo “ ayuu yiri Afhayeen Culima’udiinka Ahlu-sunna C/laahi C/raxmaan Abuu Yuusuf Al-qaadi.
Xildhibaan Cumar Axmed Gaagaale oo ka mid ah dadka ku hawlan dhismaha maamul gobolleedkan ayaa difaacay hindisaha maamul dhismeedkan oo uu ku sheegay in uu yahay qaab ay dadku isku raacsan yihiin aayahoodana uga tashanayaan.
“Umad kasta oo meel degan iyadaa iska warqabta, Iyadaa isfahansan, iyadaa kaa caqli badan sababtoo xanuunka jira dadka uu si toos ah u saamaynayo weeyaan, sidaa awgeed si kastaba ha ahaatee waxaanu goosanay in aanu u dhisno maamulo, maadaama dadka isku deegaanka ahni ay awood u leeyihiin in ay maamulo dhistaan si ay aayahooda uga tashtaan, horumarintoodana isaga kaashaadaan” ayuu yiri Xildhibaan Cumar Axmed Gaagaale oo ka mid ah xildhibaanada Baarlamanka Soomaaliya.
Arrintani oo xilliyadan dambe aad looga hadal hayay gudaha iyo dibada dalka ayaa buuqeedu waqti dhaw soo ifbaxay lamana saadaalin karo meesha uu ku biya shubi doono maadama dadka abaabulkani wada ay hada ku sugan yihiin gobollada dhexe ee dalka.
Puntland Office – Garowe
puntlandi.garowe@gmail.com
www.puntlandi.com
RSS Feed
Posted in 











WAXAAN SALAAMAYAA DHAMAAN UMADA REER PUNTLAND WAXAA SI GAAR AH U SALAAMAYAA WALAALAY PUNTLANDI .COM SALAAN KA DIB WAXAAN KA HADLAYAA FIKREDAYDA WAA SAXAN YIHIIN SUNA WAL JAMEECA INAY DIIDAANIIN WAX MAAMUL UU KU SHEEGAY AXMED CABDISALAAN IN LAGA HERGELIYO DEEGAANADA AY MATALAAN WAANA INUU HUNGURIGIISA DEBEDAHA LA AADAA MAXAA YEELAY? DAD BAA MEESHA MAAMULAYEY MARKA LAMA AQBALI KARO ISAGOO LAYAQAAN KUU YAHAY INUU MEESHA SOO ISTAAGO WAXAANA KUMAQAN HANTIDII UMADA MARKUU AAMINAY MADAX WEYNIHII DALKU ALLE HAWNAXARIISTEE CABDULLAAHI YUUSUF MARKUU MOODAY NIN MAWAADIN AH OO AY WADA SHAQAYN KARAAN LAAKIIN WUXUU NOQDAY TAARIIKHDAY KU TAALAA WAANA KU SAXAN YIHIIN SUNNO INAY HANGOOL ISAGA QABTAANIIN