Galkacyo(Pi) Wafti balaaran oo ay horkacayaan Gudoomiyaha Gobolka Mudug Mudane Maxamed Yusuf Jaamac Tigey iyo Islaan Bashiir Islaan Cabdille ayaa bari subax u safri doona Magaalada Balibusle si ay usoo dhagax dhigaan Dugsi sare oo Magaalada laga hirgalinayo dhismihiisa.
Waftiga waxaa kaloo kamid ah Nabadoono, Masuuliyiin ka tirsan Gobolka Mudug iyo Dowlada.
Magalaada Balibusle ayaa laga dhisaa dugsi sare oo deegaanka loogu tala galey maadaama ay hada ka jiraan Dugsi dhexe oo kaliya, dhismaha Dugsagaan ayaa waxaa dhagax dhigaya Islaan Bashiir iyo Gudoomiyaha Degmada, waxaana goobta ka dhacdaya xaflad lagud aahfurayo dhagax dhiga dugsagaan.
Wali lama shaacin magaca loo bixinayo Dugsaiga sare ee Magaalada Balibusle loo dhisayo iyo cida ka dambeysa dhismihiisa.
Wariyaha Puntlandi.com ee Gobolka Mudug ayaa isaguna raacaya waftiga oo inookasoo waramay haduu Eebe idmo.
Puntlandi.com
Gaalkacyo
RSS Feed
Posted in 











maansha allaaah waaa illaahay mahadiisa hadii maanta balibusle dugsi sare laga hirgalinayo runti waxaan aad ugu faraxsanahay arinkaan maanta lagu tilaabsadey balibuslana waa meesha uu kayimid fikirka in puntland ladhiso ah maansha allaah
waa ILAAHAY mahadiis haddii maanta la dhagax dhigahayo dugsi sare magaalada bali busle waa wax qofkii maqlaaba uu farxayo haduusan ahayn cadowga puntland waxaana aaminsanahay inay tahay horumarkii oo bilawday maasha’allaahi sawiradana waxaan ka sugaynaa madaalayaa muwaadiniinta puntlandi.com
waa wax lagu farxo in degaamdii loo yaqaanay gaariwaa oo laamiga kabaxsanaa horumar ku gaaro hanbalyo islaanka hanbalyo gudoomiyaha
doha
Waa Alla mahddii.
Run ahaantii Dugsigaan aad baa loogu baahnaa Qayb aad u adag ayuu ka qaadan doonaa Hadii Rabbi idmo degaamaynta , Aaggan.
Waa guuuuuuuuul iyo horumar u soo hayatay waalidiinta iyo ardayda ku dhaqan magaaladaas Balibusle,maxaa yeelay magaalada haddayan lahayn dugsi sare iyo jaamacad waa laga guuraa inta badan oo bulashadu waxay raadsadaan meel ilmuhu wax uga bartaan oo kale magaaladuna mawaynaato oo way habsaantaa oo horumar ma yeelato oo magaadho magaalooyinka asaageeda ah.
Hana loogu magac daro geesiyadii u soo halgamay Maamulka puntland ee naftooda u huray dalkooda iyo dadkooda.