Carmo(puntlandi.com):- Degmada Carmo ee gobolka Bari ayaa waxaa maanta ku soo afmeermay kulan mudo 3 bari ah socday oo ay wada lahaayeen Maamulada degmooyinka Carmo, Ufayn iyo Waaciye oo aad loogu falanqeeyay Iskaashiga degmooyinkan.
Kulankan oo ay goobjoog ka ahaayeen xubno ka tirsan Wasaaradaha Amniga iyo arrimaha gudaha iyo dawladaha hoose ee puntland ayaa waxaa aad loogu falanqeeyay Iskaashiga degmooyinkan ee dhinacyada horumarinta bulshada, Iskaashiga Amniga iyo xasiloonida guud, xoojinta xiriirka iyo wada shaqaynta degmooyinkan iyo arrimo kaloo la xiriira ku baraarujinta bulshada ee barnaamijyada maamul wanaaga.
Guddoomiyaha degmada Carmo ee gobolka Bari Ibraahim Shire Maxamed oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegau in ay iska dhex doorteen guddi kooban oo arrimaha degmooyinkan iyo qodobadan la isku afgartay girgalintooda ka shaqeeya.
Guddoomiyuhu wuxuu tilmaamay in kulankani ay sidoo kale goobjoog ka ahayeen Saraakiisha Ciidamada ee degmooyinkan, Aqoonyahanka qaybihiisa kala duwan iyo hormuudka dhaqanka ee bulshada deegaankan wuxuuna xaqiijiyay in aad la iskula meel dhigay qodobo dhaxal gal ah oo dhamaantood ku qotoma horumarinta deegaankan.
Waa markii ugu horaysay ee Masuuliyiinta degmooyinkan ay kulan caynkan ah isugu yimaadaan walaw Masuuliyiinta hada kulantay ee degmooyinkan ay mudo kooban magacaaban yihiin.
Puntland Office – Garowe
puntlandi.garowe@gmail.com
www.puntlandi.com
RSS Feed
Posted in 










