Shaqaalaha Aduunka oo intooda badan maanta aan shaqaynayn xuska Maalinta Shaqaalaha awgeed.

Garowe(puntlandi.com):- Shaqaalaha Aduunka ayaan maanta u soo shaqa tagin xafiisyadooda ka qayb qaadashada xuska maalinta shaqaalaha aduunka awgiis.

Xafiisyada Dawlada, kuwa Hay’adaha Caalamiga ah iyo shirkadaha waaweyn ee ganacsiga qaarkood ayaan maanta shaqaynayn, shaqaalahoodiina uusan u soo shaqa tagin maadaama maanta ay ku beegan tahay maalinta shaqaalaha aduunka oo sanad walba ku beegan 1-da May.

Magaalada Garowe ee xarunta Dawlada Puntland ayaa maanta laga dareemayaa Jawigan deganaasho ee nasiinaha shaqaalaha ku salaysan, mana badna shaqaalaha maanta u shaqa tagay xafiisyadooda.

Waxaa la filayaa in deegaanada Puntland meelo badan oo ka mid ah ay ka dhacaan Xaflado iyo kulamo lagu maamuusayo Maalintan shaqaalaha Aduunka ee ku beegan 1-da May ee sanad walba.

Masuuliyiinta Wasaaradaha Shaqada iyo Shaqaalaha ee Puntland iyo Faderaalka Soomaaliya oo warbaahinta ka hadlay ayaa shaqaalaha Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay farxada Maalintan una rajeeyay Cimri dheer iyo Cawaaqib wanaagsan in ay ku gaaraan Sanadkan sandkiisa kale.

Hadii alle idmo warbaahintga Puntlandi waxay ku dadaali doontaa in ay idiin soo gudbiso Muuqaalada iyo Wararka Munaasabadaha la filayo in ay dhacaan ee ku salaysan maalinta shaqaalaha Aduunka.

Puntland Office – Garowe
puntlandi.garowe@gmail.com
www.puntlandi.com

You can leave a response, or trackback from your own site.
Qoraalkaan/Warkaan ka dhiibo fikikaaga :- Fadlan markaad fikradaada(Comments) qorayso xasuuso inaad dhowrto anshaxa iyo wanaaga, Qoraalkaagu ha ahaado mid u faa'iidaynaya akhristayaasha fikradooda isdhaafsanaya, Qabiilka iyo erayada anshax xumada ah way ka reeban yihiin in lagu qoro halkaan, Fikradaha(Comments) akhristayaashu halkaan isku dhaafsadaan waxay u gaar yihiin akhristashaasha iyagaa masuuliyadeeda leh. Ogsoonow Qoraalkii ku xadgudba anshaxa iyo masuulnimada masoo dabacayno

Leave a Reply