Garowe(puntlandi.com):- Cudurada Jadeecada iyo Busbuska ayaa ka dilaacay Kaamamka Barakacayaasha ee ku yaala Dulkeedka Garowe ee Caasimada Puntland.
Sudaani Cali Axmed oo ka mid ah Odoyaasha Nabadoonada ah ee Barakacayasha magaalada Garowe ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in dad farabadan oo caruur da’ yar u badan ay cuduradani ku saameeyeen xeryaha barakacayaasha ee magaalada Garowe.
Nabadoonku wuxuu sheegay in Cudurada Jadeecada iyo Busburka ay dhawaan ka dilaaceen dhamaan Kaamamka Baracayaasha ee Magaalada Garowe islamarkaana ay hada dad badan Cuduradan oo si gaar ah u abaaray Caruurta da’doodu ay u dhaxayso 5-ta ilaa 1o-ka Sano ee ku dhaqan xeryaha Barakacayaasha ee magaalada Garowe, mana jirto ilaa iyo hada sida uu Nabadoonku xaqiijiyay cid uga gurmatay xaaladan cusub ee soo wajahday.
Inkastoo ay ku kala badn yihiin, hadana waxaad moodaa in Kaamaka qaarkood ay Caruur farabadani cuduradan la jiifto, waxaana cuduradan loo sababeeyay isbadelka Cimilada ee xilli Roobaadkan.
Nabadoon Sudaani Cali Axmed wuxuu tilmaamay in aysan Jawaab ka helin baaqyo isdaba joog ah oo ay horay u direen islamarkaana xeryahan aysan gaarin Talaaladii Cuduradan ee ay Wasarada Caafimaadku ka samaynaysay dhamaan deegaanada Puntland.
Nabadoonku wuxuu sheegay in qoysaska Kaamkani barakacayaasha ah ku nool oo qaarkood degan meelo magaalada ka baxsan ay u baanyihiin in laga caawiyo Kaabayaashii Waxbarashada, Caafimaadka iyo Cuntada si Noloshooda loo kabo.
Nabadoon Sudaani Cali Axmed wuxuu ugu dambayn baaq kale u diray Wasaarada Caafiamadka Puntland, Hay’adaha Caalamiga ah iyo shaqsiyaadka Soomaaliyeed ee Same-jeclayaasha ah wuxuuna ka codsaday in ay gargaaro la soo gaaraan dadka xaaladani ay lasoo gudboonatay ee kaalmada u baahan.
Puntland Office – Garowe
puntlandi.garowe@gmail.com
www.puntlandi.com
RSS Feed
Posted in 










