Gaalkacyo(puntlandi.com):- Dawlada Puntland ayaa Hambal ku aadan 1-da May u dirtay Ururada Shaqaalaha ee Puntland iyo Soomaaliyaba.
Maxamed Faarax Ciise Gaashaan Wasiiru-dawlaha Maamul wanaaga Madextooyada Dawlada Puntland ayaa isagoo ku sugan magaalada Gaalkacyo hambalyo diiran u diray guud ahaan shacabka Soomaaliyeed gaar ahaana Puntland, wuxuuna amaan balaaran u jeediyay shaqalaha Soomaaliyeed meel walba oo ay gobollada dalka ka joogaan.
” Waxaan salaamayaa shacab weynaha Soomaaliyeed meel walba oo ay dunida ka joogaan, gaar ahaan kuwa ku sugan Dawlada Puntland deegaankeeda, Hambalyo! waxaana u rajaynayaa oo aan leeyahay sanadkan sanadkiisa kale Barwaaqo iyo bash-bash Allaha idinku gaarsiiyo” ayuu yiri Wasiiru-dawlaha Maamul wanaaga Madextooyada Dawlada Puntland
Maxamed Faarax Ciise Gaashaan waxaa uu ka waramay sooyaalkii soomaaliyeed ee barisamaadkii, wuxuuna ka taariikheeyay sidii waayadii hore dallka Soomaaliya looga xusi jiray maalinta shaqalaha aduunka wuxuuna yiri ” Maanta waa maalin qaali ah waa 1-dii May, waana maalintii loo asteeyay shaqaalaha Aduunka, Marka Shaqaalaha Soomaaliyeed shaqaalaha Aduunka ayuu feestadan kala mid yahay. aadbaa loo xusi jiray maalintan, waxaa jiray intii aysan Dawladeenii dhexe burburin Ururadii shaqaalahu waxay ka mid ahaayeen Kooxihii Damaashaadka Samayn jiray, ee munaasabadaha qaaliga ah qaybta ugu weyn ka qaadan jiray, Kuwii Safsafka u socon jiray ee ordi jiray ee bilicda wanaagsan lahaa waxay ahaayeen Ururadii Xiriirkii guud ee ururada shaqaalaha Soomaaliya oo maalintan iyo damaashaadkeeda ku dhaadan jiray, Ururadaashi shaaqalaha waxay ka dhisnaayeen 18-kii gobol ee Soomaaliya ay ka koobnayd barisamaadkii iyo 8 Urur shaqaale oo urur xirfadeed ah oo Caasimada Xamar ka dhisnaa, 26 kaas urur oo kuwa gobolladuna ay degmooyinkoodii hoos imanayeen ayaa maalintan xusi jiray mar qura, waxayna lahaayeen koox faneed maalintan soo bandhigi jirtay waxqabadka shaqaalaha”.
Hadalka Masuulkan ka tirsan Dawlada Puntland ayaa ku soo aadaya xilli inta badan Shaqalaha gobollada Soomaaliya ay maanta ku jiraan fasax la xiriira xuska Munaasabadan maalinta shaqaalaha Aduunka.
Puntland Office – Garowe
puntlandi.garowe@gmail.com
www.puntlandi.com
RSS Feed
Posted in 










