Ururka Midowga Afrika, Qarammada Midoobay iyo IGAD oo u digay cid walba oo kasoo horjeeda dhameystirka Roadmap-ka
Talaado, May 1/2012. Ururka Midowga Afrika, Qaramada Midoobay iyo Urur Goboleedka IGAD ayaa warsaxaafadeed ay si wadajir ah u soo saareen maanta oo Talaado ah waxay digniin ugu jeediyeen kooxaha kasoo horjeeda dhameystirka Roadmap-ka iyo in laga gudbo xilliga KMG ah.
Warsaxaafadeedka waxaa lagu sheegay inay socdaan dadaallo xooggan oo lagu doonayo in dalka uu ka baxo xilliga KMG ah laguna ansixiyo dastuurka, balse ay jiraan kooxo diiddan in marxaladdii adkeyd ee Soomaaliya ay kusoo jirtay aan doonayn in laga baxo.
Warsaxaafadeedka waxaa lagu sheegay inay socdaan dadaallo xooggan oo lagu doonayo in dalka uu ka baxo xilliga KMG ah laguna ansixiyo dastuurka, balse ay jiraan kooxo diiddan in marxaladdii adkeyd ee Soomaaliya ay kusoo jirtay aan doonayn in laga baxo.
Sidoo kale, warka ay soo saareen ururradan waxay sheegeen in in kooxahaas aysan marnaba hor-istaagi karin dadaallada socda in la sii xoojiyo mooyaane, iyadoo lagu xusay war-saxaafadeedka qoraallo horay loo ansixiyay oo ku saabsanaa sidii dalka looga gudbin lahaa xilliga KMG ah.
“Waxaan si wadajir ah ugu digaynaa kooxaha qaswadayaasha ah kuwaasoo xilligan doonaya inay carqaladooda u isticmaalaan qaabab kala duwan balse aan laga yeelayn oo laga hortagayo. Toddobadyada soo socda waxaa la qaadayaa tallaabo cad oo wax looga qabanayo kooxahan qaswadayaasha ah.” ayaa warka wadajira ah lagu yiri.
Ugu dambeyn, ururradan waxay kusoo gabgabeeyeen qoraalkooda inay door muhiim ah ka qaadan doonaan dadaallada lagu dhameystirayo Roadmap-ka ka hor 20-ka Ogoosto 2012.
Ugu dambeyn, ururradan waxay kusoo gabgabeeyeen qoraalkooda inay door muhiim ah ka qaadan doonaan dadaallada lagu dhameystirayo Roadmap-ka ka hor 20-ka Ogoosto 2012.
Qoraalkan wadajirka ah ayaa waxaa ku saxiixnaa; ergayga xoghayaha guud ee UN-ka uga wakiilka ah Soomaaliya, dajire Augustine Mahiga, wakiilka Midowga Afirka ee Soomaaliya, dajire Abubakar Diarra iyo mas’uulka IGAD u qaabilsan dib u heshiisiinta Soomaaliya, Kiprutu Arab Kirwa.
Warsaxaafadeedkan ayaa wuxuu imaanayaa iyadoo ay soo kordhayaan dadka kasoo horjeeda dastuurka cusub ee Soomaaliya iyo dowaldda KMG ah oo soo saartay war ay ugu digayso kuwa kasoo horjeeda ansixinta dastuurka sida khaldanna u fasiraya.
Halkaan akhriso warkii: http://unpos.unmissions.org/LinkClick.aspx?fileticket=j1ec_QUqE4A%3d&ta
Halkaan akhriso warkii: http://unpos.unmissions.org/LinkClick.aspx?fileticket=j1ec_QUqE4A%3d&ta
RSS Feed
Posted in 











Runtii Dadka Koofurta dagan ma doonayaan in Guryaha, Beeraha, Hantida la-wada leeyahay oo ay hastaan iyo Canshuur la-aanta ay ku hodmeen in wax ka bedelmaan, waa dad aan marnaba nidaaka aduunka aan raali ha ahayn, waxay doonayaan in la qasnaado iyo Fawdo.
Maxaa la gudboon dadka iyo maamulada Waqooyi Galbeed iyo Puntland duunku aqoonsanayo lana taageeri doono.
Dadkaan Koofurtu waa isku fikrad kooda Siyaasiga isku sheega , Culumadooda iyo Masuulkooda, Ma aha iney duunyaduna wey arkaan.
Aad iyo aad ayaan u tageersanahay in tilaabo laga qaado dadka diidan nabada iyo dastuurka cusub oo rabin in ummadda nabad ku noolato weliba waxaan rajeena in maxkamad la soo saaro ay arkan dhibka ay dadka shicibka ugeesten taaso ay ka dhigeen xabaalo casimadi hore ee Mugdisho.
waa war farxadleh waana filaynay inay beesha caalamka siddaas iyo si ka adag ula hadli doonto madaxweyne shariif iyo kuwa xumaanta ku caan baxay ee la taliya madaxweynaha, waxaa caddan ah in laga soo abaabulo borobagaandada dastuurka iyo raod maambka xarunta madaxtooyada qaybta madaxweynah uu fariisto, waxaana la abaabulay dagaal caddan ah oo dhinacwalba ka imaanaya si loo burburiya geedi socodka dawladnimada soomaaliya, hase ahaatee waxaa isha ku haya beesha caalamka iyo inta doonaysa qaran soomaliyeed. waxaan u sheegaynaa fitna walayaalka ( waa dhammaaday xilligii isbaarada iyo huuhaada qarandiidka ah) muqdishana maanta waxaa diyaar ku ah maxkamaddii ICCda ee hadda uu saaranyahay jaarlees taylar qaswadayaasha waxaa sugayo inay ka soo muuqdaan ICC horteeda waqtigaasna ma foga ee waa dhawyahay