(Dhagayso)+Sawirro :- Beeralayda Puntland Oo Garoowe ku Soo bandhigay Wax soo saarka Timirta ka baxda Beeraha Puntland
Beeralayda Puntland ayaa maanta Magaalada Garoowe waxa ay ku qabteen Bandhigii ugu waynaa ee sanakan oo ay ku soo bandhigeen wax soo saarka Timirta ka baxda Beeraha ku yaala Sagaalka Gobol ee Puntland .
Beeralayda ayaa waxa ay sheegeen in ay sanadkan iyo wixii ka dambeeya ay haqab tiri doonaa baahida Timirta ee Gudaha Puntland iyo Soomalaiyaba.
Suuqyada waawayn ee Soomalaiya ayaa waxaa intabadan aad ku arkaysaa Timirta ka soo baxda Beeraha Puntland oo haatan la ogaaday in ay ka tayo fiicantahay mida laga keeno dalka dibadiisa siiba wadamada carbeed .
Hadaba Xasan Yuusuf kaarshe oo ah Gudoomiye kuxigenka Beeralayda Puntland ee sagaalka Gobol ee Puntland ayaa garoowe kulahadlaya Warbaahinta kuna so bandhigay Timirtan iyo noocyada ay ka koobantahay .
Halkan ka dhagayso.
Audio clip: Adobe Flash Player (version 9 or above) is required to play this audio clip. Download the latest version here. You also need to have JavaScript enabled in your browser.















