|

(Dhagayso)+Sawirro Nabadoon Cusub oo lagu Caleema Saaray Degmada Ufayn ee Gobolka Bari

Degmada Ufayn ee Gobolka Bari ayaa lagu caleema saaray Nabadoon Cabdi Cismaan Firdhiye oo ah Nabadonka Beesha Cali Cabdi ee Beellaha Cali Jibraahiil.

Caleema saarka Nabadonka ayaa waxaa ka soo qayb galay Isimada dhaqanka ee Puntland ugu facawayn, Nabadoono, Cuqaal, waxgarad ,Siyaasiyiin iyo aqoonyahano Ganacsato, iyo qaybaha kala duwan ee Bulshada .

Nabadoonka lacaleemo saaray ayaa waxaa uu balan qaaday in xilka loo igmaday uu si cadaalada iyo sinaan ku salaysan uu Bulshada ugu shaqayn doono .

Dhamaan Beesha iyo dadkii ka soo qaybgalay munaasibada ayaa aad usoo Dhaweeyay in uu ku biiro Nabadoon Firdhiye bahda dhaqanka ee Puntland, Waxayna dhankooda ay balan qaadeen in ay la shaqayn doonaan .

Halkan ka dhagayso codka Nabadoon Firdhiye .

      Nabadon Firdhiye

 

Audio clip: Adobe Flash Player (version 9 or above) is required to play this audio clip. Download the latest version here. You also need to have JavaScript enabled in your browser.

You must be logged in to post a comment Login