|

(Sawirro ) :- Al-shabaab oo soo bandhigtay Dirays iyo Gaadiid ciidan oo leh Astaanta Dowladda Soomaaliya

Baraha ay Bulshada ku xiriirto ilaa iyo shalay waxaa aad loogu hadal hayay Kooxda Argagixisada ah ee Al-shabaab oo magaalooyinka Jilib iyo Saakoow ku soo Bandhigay Malayshiyaad kulabisnaa Dirayskii Ciidamada dowladda iyo Gaadiid Ciidan oo leh Astaanta ciidanka dowladda fadaraalka Soomaaliya .

Tuutihii ay xirnaayeen Malayshiyaadka Al-shabaab kana muuqday sawirada laga soo qaaday ayaa ahaa kuwii ay dowladu siisay Ciidamadii 14ka October ee la,aas Aasay qaraxii Zoobe kadib .

 

Shacabka Soomalaiyeed ayaa iswaydiinaya sida ay shabaabku ugu suurta gashay in ay helaan Tuutahaasi iyo cida howshan u fudu deesay ?

 

Dadka dhaliila siyaasada dowladda Soomalaiya siiba qaabka ay u wajahayso Amniga Dalka ayaa sheegaya in arintan ay muujinayso in Al-shabaab ay gudaha ciidamada ay kuleedahay galaangal xoogan ayna jiraan rag la shaqayta oo dowladda ka tirsan .

 

 

You must be logged in to post a comment Login