|

(Dhagayso):- Danjire Caalim” Saraakiisha Ciidamada Dowladda waa ay iibsadaan darajada ay sitaan

Danjire Maxamed Caalim oo ay Hay,ada UNISCO ay u aqoonsatay sanadkii 2000 Danjire Nabadeed ayaa waxa uu sheegay in uu aaminsan yahay in saraakiisha Ciidamada xoogga dalka Soomaaliya in ay darajooyinka gataan.

Saraakiishii ugu dambeysay oo ay xukuumaddu magacawday ayaa dhamaantood lagu taxay darajada sareeyo guuto, iyadoo ciidamada ay ka mid ahaayeen wax ka yar hal bil.

Mar waxa laga waydiiyay sida ay Al-shabaab ku heshay Tuutaha ciidamada ayaa Waxa uu ku jawaabay in uusan Soomaaliya ka jirin sharci iyo nidaam dowladeed .

Waxa uu sheegay in arintan ay utaalo Baarlamaanka Soomaaliya oo ay tahay in ay Wax ka qabtaan, maadaama ay yihiin Hay,adii sharci dajinta ee dalka .

Halkan ka dhagayso

      Danjire Caalim

Audio clip: Adobe Flash Player (version 9 or above) is required to play this audio clip. Download the latest version here. You also need to have JavaScript enabled in your browser.

You must be logged in to post a comment Login