|

Dowladda UK oo Ciidamo utababartay Maamulka Koofur Galbeed ee Soomaaliya

Dowladda UK ayaa cidamo utababartay maamulka koonfur galbeed ee Soomaaliya kuwaas oo dagaal la gali doona kooxda Al-shabaab oo intabadan gacanta ku haysa Deeganada koonfur galbeed .

Ciidamadan ayaa waxaa loo tababaray ka hortaga falalka Argagixida ay gaysato sida Qaraxayada iyo weerarada qorshaysan.

Wasiirka Warfaafinta maamulka Koofur Galbeed ee Soomaaliya Ugaas Xasan oo ka hadlay goobtii tababarka loogu soo xiray ciidamada ayaa sheegay inay soo Dhoweynayaan ciidamada loo tababaray, isla markaana ay helaan tababar Heerkooda sareeyo oo ay kaga hortagi karaan Argagixisada Al-shabaab .

Wasiirka oo hadalkiisa siiwata ayaa Yiri “Ciidankan waxay la dagaalami doonaan Nimanka cadawga ah ee Al-Shabaab, wuxuuna kula dardaarmay ciidamada inay difaacaan Dalkooda iyo diintooda oo ay u dhaarateen.

lama shaacin ila iyo hada tirada ciidamada loo tababaray maamulkan ,sababo la xiriira istiraatiijiyad ciidan

 

You must be logged in to post a comment Login