|

Madaxweyne Gaas d oo booqday Beeldaaje Maxamed Beeldaaje Ismaacii

Madaxweyne Gaas ayaa maanta waxaa uu booqasho iyo salaan ugu tegay Beeldaajiyaha Beelaha Cali Saleebaan Beeldaaje Maxamed Beeldaaje Ismaaciil oo ku sugan Magaalada Garoowe ee Caasimada Dawladda Puntland.

Booqashadan uu madaxweynuhu ugu tegay Beeldaaje Maxamed Beeldaaje Iismaaciil ayaa waxaa ku wehelinayey saraakiil katirsan madaxtooyada Dowladda Puntland.

Madaxweynaha ayaa kulan gaara la qabatay Beeldaajaha, kulankaas oo ahaa mid is xogwaraysi, islamrkaana madaxweynaha Dawladda Puntland uu ku dhiiri gelinayey taabagelinta nabadaynta beelaha, xoojinta dhaqanka iyo sidii loo dhowri lahaa dhaqanka bulshooyinka Puntlnad.

Ugu danbayn Madaxweynaha Dawladda Puntland ayaa maanta martiqaad qado sharafeed ah ugu samayeey qasriga madaxtooyada Dowladda Puntland ee Magaalada Garoowe Beeldaaje Maxamed Beeldaaje Cabdillaahi Beeldaaje Ismaaciil.

Puntlandi.com

You must be logged in to post a comment Login