(VIDEO) Kalfadhigii Barlamaanka Puntland oo soo xirmay iyo guddoomiye Xaashi oo diray farriin
Kalfadhigii 41 ee Baarlamanka Puntland ayaa maanta soo xirmay, iyadoo fadhigooda ugu danbeeya loo balansanyahay 25 October, xiligaas oo ay ku egtahay Shaqadooda.
Guddoomiyaha barlamaanka Puntland ayaa soo xiray kalfadhigaan, wuxuuna sheegay inay ku dhameystireen shaqooyin badan oo horyaalay. Guddoomiyaha waxaa kale oo uu sheegay qorshayaasha kale ee horyaala barlamaanka in lagu dhameystiridoono kalfadhiga soo socda.
Guddoomiye Xaashi ayaa xildhibaanada barlmaanka udiray farriin uu uga mahad celinayo sidii ay dhabar adaygeen waqtiyadii adkaa ee ay soo shaqaynayeen.