|

Howlgalo Amni oo ka socda Magaalada Bosaaso

Taliska qaybta Ciidamada Booliska gobolka Bari ayaa maanta waxa uu ka Warbixiyay Howlgalo maalmhii u dambeeyay ka socday xaafadaha magaalada Bosaaso.

Taliyaha qaybta Booliska ee gobolka Bari C/xakiin Yuusuf Xuseen oo Waraysi gaar ah siiyay goor dhawayd Warsidaha Puntland.com ayaa sheegay in howlgaladan ay Ciidmadau ku soo qab qabteen dhalinyo xiliyada habeenkii dadka Mobilada ka furata Mararka qaarna dadka kudila.

Taliyaha ayaa sheegay in howlgalkan sidookale uu bar bar socdo beegsiga rag ay Ciidamada uga shakiyeen in ay ka tirsan yihiin Ururada Argagixisada oo ku Dhuumaalaysanaya xaafadaha magaalada Bosaaso “waxaan uu sheegay in boqolaal Qof lagu soo qabtay howlaglkan” haatana uu socdo baaritaan lagu kala saarayo Dadka ku xiran Saldhiga bartamaha magaalada Bosaaso .

Goor dhaw la soco Waraysiga oo dhamaystiran

 

You must be logged in to post a comment Login