Toronto(Puntlandi.com) Qoysaska Soomaaliyeed ee Qurbaha ku nool waxaa lasoo gudboodaada Dhibaatooyin ka qabsada caruurtooda,Wadanka Canada ayaa Labo Gabdhood oo Soomaali ah iyagoon reer koodu ogeyn u dhoofey Jameyka, ka dibna waxaa loosoo dhiibey Daroogo iyagoon ogeyn, Markey kasoo baxayeen Airport-ka ayaa bileyku qabteen, Waxeyna hada wali ku xiranyihiin Xabsi kuyaal Jameyka, Gabdhaha wiil la dhashey waxaa lagu diley Suuqyada Canada maalmo ka dib, Shantaan Video oo ah Borogaraam uu sameeyey TV-kanadian ah wuxuu ka hadlayaa Qoysaska Soomaaliyeed ee dhibaatooyinkaan qabsadeen mid kamida iyo Dhalinyarada Soomaalieyeed ee lagu diley magaalada Edmonton oo goob qabuura ah ay ku aasan yihiin halmeel 18 dhalinyaro Soomaliyeed ah.Labada gabdhood ee ku xiran Jameyka nin Jameykaan ah ayaa u balan qaadey safar lacag la’aan ah oo Jameyka ah,Ticket iyo hotelba, waxeyna dhoofeen iyagoon cidna u sheegin ka dibna markey soo baxayeen ayaa boorsooyinka loosoo gashey nooc kamid ah Daroogada (Maruwaan) waxaana lagu qabtey Airport-ka caasimada Jameyka. sheekadoo dhameystiran ka daawo hoos
Video yaashaan markaad daawato naxdin baa kaa qabaneysa ee fadlan mid mid u daawo 1 ilaa 5 , Markaad dhameysato waxaad dareemeysaa Dhibaatooyinka qabsan kara Aabaha iyo Hooyada Qurbaha ku nool oo aan la socon waxa xaruurtoodu sameynayaan markey suuqa aadaan iyo cida ay la saxiibka yihiin.
Waa muhiim in aabe kasta iyo hooyo kasta ay daawato Video gaan si ay uga foojignaadaan ineysan caruurtoodu ku dambeyn jawigaan nasiib xumada ah ee ku dhacdey walaalayeesheen Reer Canada.Sawirka kore:labada gabdhood ee Kore waa kuwa ku xiran Jameyka,gabadha kowaad sawirka ka hooseeya waa hooyadeed oo Canada kunool,wiilkana iyadaa dhashey waxaa lagu diley Canada sheekada oo dheer ka daaw Video 1,2,3,4,5. Hoos ka daawo Video yada
Puntlandi.com
USA
RSS Feed
Posted in 











Sc wr wb caruurta yar yar ee wadan aanba loogu tala galin muslimka la keenayo amaba halaa lagu dhalay maxaad ka filaysaa waxaa jiidanaya beyada ayku nool yihiin waxa kajira hadii aad xitaa wadaad tahay oo aad diintooda badho inkastoo wax usheegu wanaagsan yahay iyo in aad ladadaasho tankale soomaalidu waa dad meeshay tagaan la nuuc noqda oo aan dhaqan kooda iyo diintooda ku adkayn intooda badan runtii aad baan uga xumahay oo aan uga murugooday dhibta ku dhacday reerkaas soomaaliyeed xaqiiqdii waan ooyay markaan daawaay waamusiibo soomaali ku dhacday ee ilaahoow adigu nagasoo gaar oo ilaahoow colaada nagajooji oo nabad waadha noo dhali aamiin tankale waxaan leeyahay dadka soomaaliya dagaalka kawada kadhiidhiya dhibta haysata walaalihiin oo sidaa caruurihii ugawada xumaadeen oo dhibtu ku haysato qurbaha waa inaad dagaalka joojisaa hubka dhigtaan aqligu shaqeeyo sidhibta looga baxo oo dadku wadan kooda ugusoo laabto ilaahay kabaqee dagaalka inaga joojiya soomaali sabaanka haya hakabaxdee soomaalidii qaarbaa gaaloobay qaarbaa dayac dilay qaarbaa noloshii kadhacay oo xumaaday dhibtu mayara ee kuwa wadankii dagaalka kawadoow ka dhii dhiya dhibta dadkiinii haysata oo dagaalka inaga joojiya damiir laawe yaal baad noqoteene wsc wr wb