Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sarre Dowlada Puntland oo abaalmarino gudoonsiisay 10-ka arday ee ugu sareeyey imtixaankii fasalka afraad ee dugsiyada sarre Puntland.
Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Dowladda Puntland ayaa maanta waxay abaalmarino guddoonsiisay 10-ka arday ee ugu sareeyey imtixaankii fasalka afraad ee dugsiyada sare, 2017-2018, waxaana kasoo qeyb galay munaasabad balaaran oo lagu qabtay xarunta hoolka shirarka ee Wasaaradda Waxbarashada Madaxweyne Kuxigeenka Puntland, Wasiirka Qorshaynta iyo Xiriirka Caalamiga ah ee Puntlanad iyo Masuuliyiinta Wasaaradda, xubmo ka socday Golaha Sharci dejinta Puntland iyo Waalidiinta Ardeyda, qaar ka mid ah Maamulayaasha Iskuuladda sare ee Puntland iyo Ardeyda la gudoonsiiyay abaalmarinta.
Agaasimaha Waaxda Tacliinta Sare ee Wasaaradda Waxbarashada Puntland Maxamed Axmed Warsame (Shirdoon) oo ka warbixiyay dadaalka ay sameeyeen ardeyda la abaalmariyay ayaa xusay inay wasaaradiisu mar kasta ku dhiiri galinayso firfircoonidooda, wuxuuna ku amaanay waalidiinta iyo macalimiinta ardeydaan sidey usoo barbaariyeen.
Wasiirka Qorshaynta ee Puntland shire Xaaji Yuusuf oo dhankiisa ka hadlay munaasabada ayaa sheegay inay tahay maanta oo kale wax lagu faano, isagoona ardeyda uga mahadceliyay dadaalkooda iyo kaalmaha ay soo kala istaageen.
Abshir Yuusuf Ciise Wasiirka Waxbarashada ayaa aad uga hadlay ahmiyada ay leedahay Waxbarashada dadaal badana ugu jirno sidii loo tayeyn lahaa Waxbarashada Puntland.
Waxaa kalo sheegay Wasiirka Waxbarashada Puntland in abaal marinta ardaydan mutaysatay in ay ku heleen dadaalkodii ay samayeen waxaana aad uga mahad celiyey maamulayaashii iskuuulda iyo macalimiintii iyo waridiintii garab istaagay ardaydaa.
Wuxuu intaas ku darey Eng Camay inay ka go’antahay dhiiri galinta waxbarashada, isagoo mahadu celiyey iskuulada 10 arday ka baxeen,Iyadoona ka dib abaal marinta si wada jir ah ay u gudoonsiiyeen 10-kii Ardey Madaxweyne kuxigeenka iyo Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sarre ee Puntland.
Ardeyga kaalinta 1aad ka galay Imtixaamka shahaadiga ee sanad dugsiyeedka dugsiga sarre waxaa lagu magacaabaa Siciid Xasan Jaamac waxaa la gudoonsiiyay Laptops casri ah iyo lacago, sidoo kale labada ardey ee ku xigta kaalmaha labaad iyo saddexaad waxaa la gudoonsiiy Laptop iyo lacago. Sidoo kale Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sarre ee Puntland ayaa abaal marin lagu dhiirigalinayo siisay maamulayaasha 10-ka iskuul ee ay wax ka baranayeen ardeyda ugu sareysay Imtixaamka shahaadiga ee sanad dugsiyeedka 2017/2018.
Sidoo kale Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sarre ee Puntland ayaa abaal marin lagu dhiirigalinayo siisay maamulayaasha 5ta iskuul iyo Jaamacadaha oo ugu lacag bixinta badnaa wadadii ceel daahir oo isku tashiga Puntland ku timi.
Iskuulada iyo jaamacadaha taageerada ugu balaadhan ka qaatay hirgelinta waddada Ceel Daahir waxaa ka mid ahaa Nawaawi – Boosaaso, Dugsiga Sare ee Boosaaso (ee loo yaqaan Bosaso Public School), Dugsiga Sare ee Gambool – Garoowe. Dhanka Jaamacadaha waxaa xusid mudan jaamacadaha kala ah Jaamacada Culuumta Caafimaadka ee Boosaaso iyo Jaamacada Bariga Africa faraca Boosaaso.

Puntlandi.com