Madaxweyne Farmaajo oo shaqadii ciidan iyo darajadiisii ka xayuubiyay Sarreeye Guuto Cabdalla Cabdalla
Madaxweyne Farmaajo ayaa Ruqseeyay kana dhigay dhammaan darajooyinkii ciidan ee Hay’adda Nabad-Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Sarreeye Guuto Cabdalla Cabdalla Maxamed, oo ahaa taliye ku xigeenkii hay’adda nabad sugida Soomaaliya.
Qoraal kasoo baxay xafiiska madaxweynaha ayaa lagu sheegay in go’aankaan uu ka dambeeyay kadib soo jeedin ka timid Agaasimaha Guud ee Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka.
Dhinaca kale, Taliye ku xigeenka hay’adda NISA ayaa labadii bishaan Maxkamada ciidanka ugudbiyay dacwad ka dhan ahaa taliyaha NISA Xuseen Cusmaan iyo ku xigeenkiisa Fahad Yaasiin, isagoo sheegay inay xiriir laleeyihiin Alshabab.
Halkaan hoose ka akhriso.
Puntlandi.com