|

Cali Xaaji Warsame.” Isimada Puntland waa inay ukacaan daminta colaada beelaha walaalaha ee Cabdi Garaad iyo Maxamed Garaad

Baaq nagasoo gaaray Cali Xaaji Warsame.

Waxaan si gaar ah uga tacsiyeynayaa dhibkii kala gaarey labada beelood ee walaalaha ah, Cabdi Garaad (Beesha Qayaad) iyo Maxamed Garaad (Beesha Bahararsame). In muddo ah ayey colaadaasi socotey, markii heshiis laga gaarana dib bay u soo fufeysay.

Waxaan ku baaqayaa in colaadaas u dhaxeysa dadka ehelka nabad waarta lagu dhameeyo, lana soo afjaro si degdeg ah. Waxaan kaloo ku baaqayaa in labadaas beelood ee walaalaha ah ay kitaabka illaahey ku kala baxaan, wixii ka soo baxana ku qancaan.

Waxaan kaloo ugu baaqayaa issimadda beesha guud ahaan iyo gaar ahaanba in ay u gurmadaan sidii colaadaas iyo dhiiga muslimka oo daadanaya loo joojin lahaa. Colaad wiil baa ku dhinta, qofna ama qoysna kama faa’iido colaad ehelkiis adduun iyo aakhiraba midna.

Ugu danbeyn waxaan ugu baaqayaa dhaqanka iyo issimadda Puntland in ay dowrkooda qaataan sidii colaadaas loogu heli lahaa nabad waarta.

Puntlandi.com

 

You must be logged in to post a comment Login