|

Dallada iskaashiga dowlad goboleedyada oo aqbalay shirkii madaxweyne Farmaajo ugu yeeray.

Warsidaha Puntlandi ayaa ogaaday in dallada iskaashiga dowlad goboleedyadu si buuxda u aqbaleen inay ka qeyb galaan shirka madaxweyne Farmaajo iclaamiyay inuu magaalada Muqdisho ka dhaco bartamaha bishaan, uguna yeeray inay kasoo qeyb galaan.

Kadib kulan gaar ah oo ay Kismaayo ku yeesheen madaxda dowlad goboleedyada waxay isku raaceen inay shirkaas ka qeyb galaan, iyagoo la tagaya go’aanadii kasoo baxay shirkoodii ugusoo gabagaboobay magaalada Kismaayo.

Madaxweyne Gaas ayaa marka uu Garowe maanta kusoo laabto shaacidoona inay hogaamiyayaasha dowlad goboleedyadu tagidoonaan magaalada Muqdisho.

Puntlandi kala soco wararkii ugu dambeeyay.

 

You must be logged in to post a comment Login