|

Isbitaalka Garowe oo dib loogu celinayo gacanta dadweynaha.

Isbitaalka guud ee Garowe oo dayac xoogani uu ka jiray ayaa dib loogu celinayaa gacanta dadweynaha iyadoo lagu wareejindoono guddi gaar ah oo howshiisa gacanta ku hayndoona.

Shir maanta magaalada Garowe ka dhacay ayaa lagu go’aamiyay in isbitaalka la hoos geeyo guddi ay kor ka maamulidoonaan Islaan Ciise Islaan Maxamed iyo Suldaan Siciid Maxamed Garaase, oo ah hogaanka dhaqanka gobolka Nugaal.

Guddigaan waxay si toos ah gacanta ugu hayndoona maamulka isbitaalka Garowe, kadib markii wasaaradda caafimaadka Puntland ay ku guuldaraysatay inay wax ka qabato xaalada uu isbitaalku ku sugan yahay, oo ah xaalad aan indhaha laga saaban karin.

Shacabka Garowe, ayaa si aad ah usoo dhoweeyay go’aankaan iyagoo sheegay in loo baahan yahay in maamulka isbitaalka lagusoo celiyo gacanta dadweynaha.

Puntlandi.com

You must be logged in to post a comment Login