(Dhegayso ) Isimada Sool, Sanaag , iyo Cayn oo baaq Nabadeed udiray Beelihii ku Dagaalamay deegaanka Dhumay ee Gobolka Sool
Isimada gobolada Sool ,Sanaag, iyo Cayn ayaa waxa ay baaq Nabadeed udireen Beelo walaalo ah oo dagaal uu dhexmaray dhawaan degaanka Dhumay ee Galbeedka magaalada Lass-caanood .
Ugaas Faarax Maxamuud Cali oo kamid ah Ismida gobolka Sool ayaa beelahan ugu Baaqay in ay joojiyan dagaalka dhexdooda ah oo ay umidoobaan xoraynta gobolka Sool oo intabadan gacanta ugujira malayshiyaadka Muuse Biixi.
Dagaalkii dhexmaray labadan beelod ayaa sababay dhimashada 15 qof oo labada Dhinac ah,iyo dhaawaca 60 qof .
Audio clip: Adobe Flash Player (version 9 or above) is required to play this audio clip. Download the latest version here. You also need to have JavaScript enabled in your browser.