AKHRISO:- Guddiga Joogtada ee Aqalka Sare oo war saxaafadeed kasoo saaray khilaafka dowladda federalka iyo dowladdaha xubnaha ka ah.
2. Si wufuuda Aqalka Sare u dirayo dhammaan Dowlad Goboleedyada u gutaan waajibaadkooda dastuuriga ah loogana miro dhaliyo xal u helida khilaafka iyo ismaandhaafka taagan, Guddiga Joogtada ee Aqalka Sare waxaa uu baaq u dirayaa dhamaan dhinacyada ku lugta leh abaabulka iyo sameynta soojeedinada (Motions) ka dhanka ah Madaxda kala duwan ee Dowlad Goboleedyada in ay si deg deg ah u joojiyaan iyaga oo fursad siinaya dadaalka xaldoon ee Golaha Aqalka Sare uu ku raadinayo xasilooni siyaasadeed iyo is faham guud.
3. Waxa uu Aqalka Sare ku boorinayaa mas’uuliyiinta Dowladda Federaalka iyo Dowladaha xubnaha ka ah Dowladda Federaalka in ay joojiyaan kana fogaadaan tallaabo kasta oo sii hurin karta khilaafka iyo ismaandhaafka siyaasadeed ee hadda ka dhex taagan.
4. Ugu dambeyn, Guddiga Joogtada ee Aqalka Sare waxaa uu ka codsanayaa guud ahaan Shacabka Soomaaliyeed in ay taageeraan dadaallada dastuuriga ah ee Aqalka Sare ku raadinayo xal laga gaaro khilaafka iyo ismaandhaafka siyaasadeed ee hadda taagan.