(Dhegayso ) Wasaarada Waxbarashada Puntland oo daah furtay mashruuc ay ka faiidaysan doonaan 11 kun oo Arday
Wasaarada waxbarashada iyo tacliinta sare ee dowladda Puntland ayaa wada Barnaamij ay dib ugu soo celinayso 11kun oo arday ah oo ka haray waxbarashada Sanadkii 2017 kii , kadib markii degmooyinkii ay ku noolaayeen oo ay iskuulada ka Dhigan jireen ay uga tageen Abaartii Sima oo dalka ku dhufatay .
Barnamijkan ayaa waxaa wasaarada ka taageri doona Hay,adaha danka Waxbarashada ka taageera Wasaarada .
Mashruucan ayaa waxaa loogu talagalay dalka Soomaaliya oo idil ,siiba tuulooyinka iyo deegaanada ka baxsan laamiga .
Wasaarada ayaa sheegtay in marka hore xog uruurin ay soo samayn doonaan si loo soo ogaado baahiyaha waxbarasho ee ka jira deegaanda Puntland.
Halakan ka dhegayso.
Audio clip: Adobe Flash Player (version 9 or above) is required to play this audio clip. Download the latest version here. You also need to have JavaScript enabled in your browser.