(Dhegayso ) Madaxweynaha Puntland “Doorasho Hal qof iyo Hal cod ah waxa ay ka dhici kartaa oo keliya Puntland”
Iyadoo dhawaan ay dowladda Fadaraalka Soomalaiya ay shegtay in sanadka 2020ka dalka oo dhan ay ka dhici doonto doorasho qof iyo cod ah ,ayaa arintaasi Waxaa maanta ka hadlay Madaxweynaha dowladda Puntland Cabdiwali Cali Gaas.
Madaxweyne Gaas ayaa sheegay in hadii doorasho ay dalka ka dhacayso oo ah mid Qof iyo cod ah ay ka dhaci karto oo kaliya deegaanada Puntland.
Madaxweynaha ayaa arintan usababeeyay amni darada ka jirta gobolada koonfureed ee dalka iyo Caasimada oo ay xukuumadu ku shaqayso.
Madaxweynaha ayaa sheegay in Al-shabaab ay haystaan intabadan gobolada hodanka ku ah qayraadka Soomalaiya, taasna aysan suurta gal ahayn in ay doorasho ka dhacdo dalka oo dhan , iyadoo aan dalka Shabaab laga xoraynin .
Halkan ka hegayso.
Audio clip: Adobe Flash Player (version 9 or above) is required to play this audio clip. Download the latest version here. You also need to have JavaScript enabled in your browser.