Micheal Keating.” beesha caalamka welwel xoogan ayay ka muujinaysaa khilaafka hogaamiyayaasha Soomaalida.
Muqdisho (Puntlandi) Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Michael Keating , ayaa sheegay is-aamid ka’aanta ka dhex taagan hogaamiyayaasha Soomalaiya inay caqabad ku tahay horumarka siyaasadeed iyo amni ee Soomalaiya.
Keating oo xilka isaga dagaya bisha November kowdeeda sannadkaan ayaa ugu baaqay hogaamiyayaasha dowladda federalka Soomaaliya iyo dowladdaha xubnaha inay sameeyeen tanaasul xal looga gaarayo khilaafkooda.
Danjiraha Qaramada Midoobay ayaa sheegay mushkilada siyaasadeed ee waqtigaan ka taagan Soomaaliya imay welwel xoogan ku hayso beesha caalamka iyo saaxiibada Soomaaliya.
Micheel Keating ayaa welwel ka muujiyay in madaxda dowladda goboledyada aanay weli go’aan ka gaarin halka ay kula kulmayaan madaxweyne Farmaajo oo isugu yeeray shir lagu saxayo waxyaabaa qaldan
Danjiruhu wuxu sheegay arrimaha loo baahan yahay in laga hadlo ay yihiin, danaha guud, sida ammanka , dib u eegista dastuurka Soomaaliya ee qabyada ah, arrimaha doorashada iyo qeybsiga kheyraadka Soomaaliya.
Keatin ayaa ka digay arrimaha xilligaan taagan haddii aan xal laga gaarin inay saameyn ku yeelan karaan doorashooyinka dowlad goboleedyada iyo dowladda federalka.
Puntlandi.com