Al-shabaab oo deegaanka Mubaarig ku soo ban dhigay meedadka sadax Askari oo ka tirsan ciidamada Dowladda iyo Saanad Milatari oo ay ka furteen Ciidamada Dowladda
Ururka Al-shabaab ayaa duleedka deegaanka Mubaarig ee gobolka Shabeelaha Hoose waxa ay ku soo ban dhigeen hub iyo saanad milatari oo ay ka furteen Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM kadib weerar qorshaysnaa oo ay saaka Waabarigii ay ku qaadeen deegaankaasi Mubaarig .
Al-shabaab ayaa kordhiyay maalmahan weerarada tooska ah oo ay ku soo Qaadayaan ciidamada dowladda iyo kuwa Nabad ilaalinta u jooga gudaha Soomaaliya , kuwaas oo u muuqda in aysan daacad ka ahayn dagaalka Al-shabaab sida ay dadbad oo siyaasiyiin ah ay qabaan .
Hubkan ay Al-shabaab ka furteen ciidamada dowladda ayaa ahaa hub casri ah oo Dhawaan loo qaybiyay , waxayna sidookale Al-shabaab goob fagaare ah ay ku soo Ban dhigeen meedka sadax askari oo ciidamada Danab ka tirsanaa.
Midowga Yurub ayaa dhaqaalaha ugu badan waxa uu ku bixiyaa ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda ,hadana ma muuqato ilaa iyo hada awood buuxda oo ay Al-shabaab kula dagaalamaan ciidamadan , ayna kala wareegaan gobolada ay ku sugan yihiin .
Halkan ka daawo sawirrada.




