Dhegayso:- Madaxweynaha dowladda Puntland oo kormeer kutagay Xarumaha dowladda ee degmada Baran Xarigana jaray Xarumo kale
Madaxweynaha dowladda Puntland Cabdiwali Cali Gaas oo wali ku sugan degmada Baran ee gobolka sanaag ayaa maanta waxa uu kormeer uu ku tagay Isbitaalka guud ee degmada Baran , Wasaarada Haweenka iyo horumarinta qoyska , Wasaarada Degaan dhirta iyo daaqa , iyo Wasaarad Caafimaadka ee degmada Baran.
Madaxweynaha ayaa sidookale waxaa uu dhegax dhigay Wasaarada ganacsiga ee degmada Baran oo ah wasaardii 4-aad oo mud 45 cisho ah lagu dhisi dooon sida uu Sheegay Wasiirka ganacsiga Puntland mudane Cabdi weli Xirsi Cabdulle indha guran.
Madaxweynaha ayaa salaan sharaf waxa uu ka qaatay ciidamada Booliska ee degmada oo u soo gudbiyay Baahiyahooda aasaasiga ah, wuxuna ka dhegaystay Madaxweynaha warbixin ku saabsan xaalada amniga ee Gobolka.
Madaxweynaha ayaa ugu dambayntii waxa uu daah furay Bangiga degmada Baran oo lagu soo uruurin doono canshuurta gobolka ka soo xaroota .
Puntlandi.com Bosaaso.
Audio clip: Adobe Flash Player (version 9 or above) is required to play this audio clip. Download the latest version here. You also need to have JavaScript enabled in your browser.
