Dowladda oo Xabsiga dhexe ee Bosaaso ku Wareejiyay Ciidamada PSFta Puntland
Xabsiga dhexe ee magaalada Bosaaso oo uu shalay ka dhacay iska horimaad dhexmaray ciidamadii ku sugnaa Xabsiga ee gadoodka sameeyay iyo ciidamadii ay dowladda u soo dirtay ayaa saaka degana , waxaana Xabsiga lagu wareejiyay Ciidamada PSFta ee Puntland.
Dowladda ayaa Xabsiga dhigtay ciidamadii gadoodka sameeyay ,waxaana dhacdadan ku geeriyooday Saddex ruux oo uu mid ka mid ah uu ahaa Maxabiista Xabsiga ku xirneed.
Arintan ayaa ku soo beegmaysa xili uu Bosaaso ku sugan yahay Madaxweynaha dowladda Puntland C/wali Cali Gaas.
Majirto ilaa iyo hada wax war ah oo ka soo baxay dowladda Puntland oo ku aadan dhacdadan.