(Dhegayso ) Puntland oo gacanta ku soo dhigtay shabakadii dilalka qorshaysan ka gaysan jirtay Bosaaso
Ciidamada amniga ee gobolka Bari ayaa gacanta ku soo dhigay ilaa 11 qof oo ka mid ahaa kooxihii Argagixisada ahaa ee dilalaka qorshaysan ka gaysan jiray gudaha Magaalada Bosaaso, kadib howlgalo aan horay loo arag oo ay ciidamadu ka sameeyeen 17ka xaafadood oo ay magaaladu ka kooban tahay .
Gudoomiyaha gobolka Bari Yuusuf Maxaed Wacays Dhado ayaa Saxaafada u sheegay in ragan gacanta lagu hay ay soo taagi doono Maxkamada ciidamada qalabka sida Puntland .
Waxa uu gudoomiye Dhado sheegay in lagu daba jiro xubno kale oo ka tirsanaa kooxdan.
Shacabka ku dhaqan magaalada Bosaaso ayuu gudoomiyaha ugu baaqay in ay la shaqeeyaan ciidamada, isagoo ku amaanyay intii uu howlgalku uu socday sida ay ugu dul qaateen qaladaadkii ka dhacay ciidamada.
Halkan ka dhegayso.
Audio clip: Adobe Flash Player (version 9 or above) is required to play this audio clip. Download the latest version here. You also need to have JavaScript enabled in your browser.