|

Madaxweynihii hore ee dowladd deegaanka Itoobiya Cabdi Maxamuud Cumar oo cafis ka dalbaday dowladda Itoobiya

Madaxweynhihii hore ee dowladd deegaanka Itoobiya ayaa markii sadaxaad maanta la soo taagay Maxkamada sare ee dalka Itoobiya.

Cabdi Maxamuud Cumar ayaa Maxkamada ka codsaday in cafis loo fidiyo Maadaama uu dalka u soo shaqeeyay mudo 12 sano ku siman.

Gudoomiyaha Maxkamada sare ee dalkaasi Itoobiya ayaa xeerilaalinta ku amray in ay la yimaadaan cadoomo rasmi ah ayna soo gaba gabeeyaan kiiskan lagu soo ogay Madaxweynihii hore ee dowladd deegaanka Itoobiya.

Cabdi Maxamuud Cumar ayaa mas,uuliyiinta xabsiga ku haysa ku eedeeyay in ay kula kacaan tacadiyo ka dhan ah bani aadanimada .

Maxkamada ayaa amartay in 10 beri kadib dib laysugu soo laaban doono .

You must be logged in to post a comment Login