|

Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi“Maadada “Siyaasiga Faraxsan & kan Xanaaqsan “ oo caruurta iskuulada Xamar dhigata lagu soo kordhiyey manhajkooda! Buug uu qoray Mudane Maxamed C/hi Farmaajo

Madaxweynaha dowladda Fadaraalka Soomaaliya ayaa shalay waxa uu weerar afka ah uu ku qaaday madaxda maamul goboleedyada dalka iyo siyaasiyiinta mucaaradka ku ah dowladda uu hogaamiyo.

Madaxweyne farmaajo ayaa carabka ku adkeeyay in dalkan bur burintiisa ay u istaageen Siyaasiyiinta caraysan oo uu ula jeeday Xisbiyada Mucaaradka ah iyo madaxada maamul Goboleedyada.

Hadaba hadalka Madaxweynaha waxaa si kulul uga jawaabay Xildhibaan Macalin Fiqi ,wuxuuna yiri “Goob walba kalimadeeda ayey leedahay لكل مقام له مقال! Goob tacsi taallo loogama waramo damaashaad, goob dib u heshiisiin lagu hayana laguma xuso dagaal hadaladiis, akhyaar waaweyn sheekada caruurta looma sheego, ilmo yaryarna sheeko odoyeed ma xamili karaan.. iwm.

 

ilmo yaryar oo iskuullay ah, guryahoodii salaaddii subax ka dib laga soo kaxeeyey, ayagoo dharkii iskuulka ku labisan oo aan quraac soo cunin hool lagu soo xareeyey, wax ka badan 5 saacadood iska fadhiyey halkaas, duruusta Iskuulka loogu dhigi jirayna ay ka mid aheyd is-ixtiraamka iyo tarbiyadda wanaagsan, in madaxweynihii dhibkaas oo dhan loo soo marsiiyey in ay wax un ka kororsadaan ay noqotay ayagoo goobtaas kala gaddoomay “darsi nacayb & karaahiyo muujinaya” iyo gocasho hadallo ku taagnaa madaxweynaha, inkastoo Soomaalidu ay ku maahmaahdo “Matag meel Aad rabto kuguma simo”, madaxweynuhu uma muuqan cidda u uu khudbaynayo, ee waxaa u muuqday cid kale oo tabasho uu ka qabay markaas.

 

Ardayda yaryar ee horfadhiday madaxweynaha, waxey xaq u lahaayeen in waxbarashada ay lacagta ku dhigtaan madaxweunuhu u ballanqaado in iskooladii dawladda dib loo furayo Lacag la’aanna looga dhigi doono, jaamacadihii dalka dib loo hawlgalinayo” marka ay jaamacadaha ka soo baxaana shaqooyin la siin doono, sidoo kale waalidka ku dhibban Waxbarashada iyo caafimaadka caruurtaas waxey filayeen in culeyska ka heysta Waxbarashada iyo caafimaadka ilmahooda oo ay xaq ugu leeyihiin in dawladdu daboosho, ballanqaad ay ka maqlaan madaxweynaha, laakin uma aysan fadhin in hadallo cuqdad iyo caro ka muuqato ilamahooda lagula dul dhaco.

 

Si kastaba, Mudane Madaxweyne, Armuu xaalka dalku ka durugsan yahay farxad & Xanaaq caruur yaryar hortooda laooga sheekeeyo! Mas’uuliyadda kaa saaran dal qeyb ka mid ah alshabaab heysto, maamuladii goboladu ay hogaankaada iyo siyaasadaaba calaamad su’aal saareen, magaalada Muqdishana xaalkeeda laga warqabo, intaas mas’uul ay heysato ma farxi karee, see wax yihiin? ogowna dalku inuusan doorasho ku jirin, oo aan la indha-sarcaadin karin dadka, dhabta in loo soo jeesto, oo arrimaha dawlad goboleedyada iyo siyaasiyiinta hogaanakaada dhallilshan ay sheegayaan jawaab aan ahayn “Farxad iyo Xanaaq” ka bixi.

You must be logged in to post a comment Login