About/Mission
Hay´ada warbaahinta Puntlandi.com waxaa iska leh ururka Somali One Media oo ah warbaahin madaxbanaan,Puntlandi.com wuxuu uga duwan yahey website-yada kale ee Soomaalida waa website aan shaqsi gooni u laheyn, waa website-kii u horeeyey website-yada Soomaalida ee loosameeyo gudi ka kooban 7 xubnood oo leh awooda ugusareysa, iyagaana magacaaba Agaasimaha guud ee website-ka, 7 qof waxaa soo xula oo soo doorta xubnaha ururka Somali One Media.
Shaqadayadu waa inaan ka hamuun tiro baahida saxaafada u qabto umada Soomaaliyeed, waxaan soo gudbinaa wararka iyo macluumaadka waxtarka u leh Soomaalida meel kastoo ay joogaan, Waxaan si garaa wax uga qoraa wararka soomaalida ku nool qurbaha, Puntland iyo dabcan Soomaaliya inteeda kale.
Waxaan ilaalinaa oo dhowraa xuquuqda iyo madaxbananida saxaafada aduunka gaar ahaan Somaliya, waxaan aaminsanahey xoriyada saxaafada, waxaan ka dheeraanaa inaan ku xadgudubno anshaxa saxaafada, Wararka anagu masameyno(Ma been abuurno) ee warkii jira uun baan daabacnaa ama soo bandhignaa.
Waa muqadas ilaalinta iyo jiritaanka midnimada Soomaaliyeed sidaas awgeed kama qaybqaadano wixii lagu duminayo jiritaanka Soomaaliya iyo Soomaaliba.
astaantaan waa Loga-da(Astaanta ) Puntlandi.com, meelkastoo aad ku aragto waxaad aragtey waa Puntlandi.com
Waxaad si toosa noogala soo xiriiri kartaa tlf. UK- 0044 79 61 25 24 52 DK- 0045 27 49 94 26
Email: info@puntlandi.com wararka Post@puntlandi.com Wararka Soomaaliya Ali@puntlandi.com
RSS Feed












