Jaaliyada Puntland ee Australia:-TACSI NAXDIN IYO TIIRAANYO LEH & CAMBAAREYN DIRAYA
Dhamaan Jaaliyada Soomaliyed ee Puntland ee degen dalka Australia waxaa ay Tacsi tiiraanyo leh u diraynaa guud ahaan shacabka Puntland,geeridii naxdinta lahayd ee labada isim Suldaan Ciise Xasan Cumar iyo Suldaan Xasan Suldaan Xaaji Cali Baale.
Samir iyo Iimaan allaha ka siiyo dhamaan waalidiintii ehaladii iyo qaraabadii labada Suldaan.
Waxaanu si gaar ah tacsi ugu diraynaa ehaladii labada isim ay ka geeriyoodeen inuu ilaahay Samir iyo iimaan ka siiyo laba isim-na allaha unaxariisto.
Dadka tacsida gudbinaya waxay kala yihiin:
1. Ahmed Ciise Faahiye
2. Maxamed Cali Shido
3. Cabdiraxmaan Jaamac Cusmaan
4. Maxamed Cabdulqaadir Jaamac
5. Siciid Muuse Bari Bari
6. Maxamed Siciid Muuse
7. Maxamed Ciise Faahiye
8. Siciid Cabdiraxman Shiinle
9. Cali Jaamac (Cali Aar)
10. Mukhtaar Faarax Cali Cade
11. Warsame Cabdi Nur Aden
12. Maxamed Muuse Layloon
13. Xaawo Cabdi Cali
14. Suleymaan Yuusuf Suleymaan
15. Bashiir Shire Cabdille
16. Axmed Cali Shire
17. Mahamed Qaalib Siciid
18. Cabdisalaan Nuur Cirfe
19. Huruse Nuur Salax
20. Xussen Maxamed yacquub
21. Nab: Saadiq Cumar Xayd
22. Maxamed Jaamac Nugaal
23. Cabdirisaaq Cabdikariim Ismaaciil(Gurey)
24. Yuusuf Maxamed Nuur
25. Cabdi Tooyo Ducaale
26. & Faarax Max’ud Warsame
B) Canbaareyn
Jaaliyada Puntland ee Dalka Australia waxay cambaaraynaysaa dilkii foosha xumaa ee lagula kacay Suldaan Ciise Xasan Cumar ee loogu geystey magaalada Boosaaso, AUN Suldaanka oo ahaa shakhsi wadani ah.
Dhamaan waxaanu baaq u soo jeedineynaa shacabka iyo dowlada Puntland inay gacan buuxda ka geystaan sidii loo horkeeni lahaa cadaalada cidii geysatey dilkaan foosha xun ee loo geystey Suldan Ciise Hassan Cumar.
Wabilaahi Towfiiq
Faarax Max’ud
Melbourne Australia