|

(DHEGAYSO) Cabdikariin Qalbi Dhagax.” Raysal Wasaare Abiy ayaa go’aamiyay inaan xorriyadayda dib uhelo.

Cabdikariin Sheikh Muuse (Qalbi Dhagax) ayaa beeniyay in dowladda federalka Soomaaliya ay ka dambeysay inuu xoriyadiisu dib uhelo, isagoo cadeeyay inuu Raysal Wasaaraha Ethiopia. Dr, Abiy Ahmed yahay ninka go’aamiyay inuu kasoo baxo xabsiga.

“Inaan xorriyadaydii helo waxaa ka dambeeyay Raysal Wasaaraha dalka Ethiopia, mana jirto cid uu la kaashaday ama cid kasoo codsatay,” ayuu yidhi Cabdikariin Qalbi dhagax oo intaas ku daray in kooxda Farmaajo ay ka been sheegeen sidii lagusoo sii daayay.

Qalbiga Dhagax ayaa sheegay inuu yahay qofkii ugu dambeeyay ee katirsan jabhadda ONLF ee dowladda Ethiopia kasii dayso xabsiyada dalkeeda, taasoo uu sheegay inay qeyb ka tahay isbedelka Raysal Wasaare Abiy.

Halkaan ka dhegayso.

      Waraysigii-ugu-horeeyay-ee-Qalbi-Dhagax-Bixiyo-2

Puntlandi.com

Audio clip: Adobe Flash Player (version 9 or above) is required to play this audio clip. Download the latest version here. You also need to have JavaScript enabled in your browser.

Comments are closed